Meles wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Beesha Caalamku ay taageerto dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayna eegto xaaladuhu halka ay marayaan isagoo sheegay in ay Beesha Caalamku gabtay kaalintii ay ku lahayd Soomaaliya.
Booqashadan ayaa lafilayaa in ay labo maalin ka dib soo dhamaato, markaasna waxaa looga fadhiyaa dawladda Itoobiya in ay cadayso Mawqifkeeda ku wajahan xaalada shirkii lugu qabtey dalka Jamhuuriyada Jabuuti.